Read more
Sheeko xanun iyo xiisoh leh dacad nimadu wa waxtar aduun
Khaliifkii Cumar binu Cabdi casiis ayaa maalin gabadh yar oo uu dhalay u soo gashay iyadoo ooyeysa.
Waxay ahayd maalin Ciid ah oo dadka oo dhami faraxsan yihiin,
Wuxuu weydiiyey maxaad la ooyeysaa?
Waxay tiri caruurta oo dhan maanta waxay ku ciidayaan dhar cusub, anigoo ah gabadhii uu dhalay Madaxweynaha muslimiintana waxaan gashanahay dhar duug ah!
Hadalkii gabadha ayaa cumar binu Cabdi casiis saameeyey, isla markiiba wuxuu u dhaqaaqay xagga Baytul-maalka muslimiinta, Qasnad hayihii ayuu ku yiri waxaan rabaa inaad i siiso mushaharkayga bisha soo socota
Qasnajigii ayaa yiri waan ku siinayaa balse shardi ayaa ku xidhan!
"Waxaad ii damaanad qaadeysaa inaad noolaan doonto bisha soo socota si aan bishaas mushaarkeeda kuugu hormariyo!
Cumar binu cabdi casiis gurigiisii ayuu ku laabtay isagoon wax lacag ah wadin
Caruurtiisii ayuu la hadlay oo ku yiri" Ma sabraysaan si aan dhamaanteen jannada u galno alle idinkii, mise lacag xaaraan ah oo aadnaan xaq u lahayn ayaan idiin keenaa si aan anigu naarta u galo?
Waxay ku jawaabeen "waan sabraynaa Aabo"
Way fiicnaan lahayd haddaan maanta haysano:
1- Madaxweyne sida Cumar bin cabdicasis oo kale ah
2- Wasiir maaliyadeed oo sida Qasnajigaas ah
3- Caruur sida caruurtii Cumar oo kale ah
1-Wiilkeygiyow wax kastoo macaan waan dhadhamiyey mana arag wax caafimaadka ka macaan
2-wiilkeygiyow wax kastoo qaraar ayaan dhadhamiyey mana arag wax ka qaraar inaad dadka ubaahatid
3- Wiilkeygiyow waxkastoo culus ayaan qaadey mana arag wax ka culus badan dayn aad qof ka qaadatey
4- Wiilkeygiyow waxaan soo arkey dad maalqabeen ah mana arag qof maalkiisa ku qanacsan
5- Wiilkeygiyow dharkeygii igu quruxda badnaa ayaan soo xirtey mana arag wax ka qurux badan dharka alle ka cabsiga
6- Wiilkeygiyow kuwo i naceb ayaan soo arkey mana arag wax nafteyda igala cadowsan
Faldan akhriste taageere ii muuji follow iso dheh like
sheekoyinkan wa cimri qadasho sidokale wa tusale muuqda Wana xaqiiq jidha ogow okafaidayso inta badan dadku marku xuleys daremo wa mar wax waliba dhaceen
Balse adigu waxba badalikadha maxaad fahantay?
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan <1>
fadlan 100k igaarsiiya mahadsanidiin
Shekadan waxan ugu talagalay in aad wax kufahantan
0 Reviews